SAWIRRO: Ciidamo cusub oo la wareegay isgoysyada ugu waa weyn Muqdisho

Maanta waxaa gabi ahaanba xiran wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho,waxaana Dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan ay ku soo daadisay wadoooyinka halbowlaha u ah isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha.

Wadooyinka maanta xiran ayaa waxaa kamid ah wadada mashquulka badan ee Maka Almukarama, iyo wadooyin kale oo muhiim u ah isku socodka gobalka.

Isgoysyada maanta Xiran Waxaa Kamid Ah

Isgoyska Soobe.

Isgoyska banaadir.

Ex koontarool Afgooye

Isgoyska Danwadaagta

Isgosyka Ceelgaabta

Isgoyska Tarabuunka.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay sababa ka dambeeya xiritaanka Saakay wadooyinka dhax mara degmooyinka gobalka Banaadir, iney tahay dabaal daga Sanad Guuradii kasoo wareegtay 75 Sano kadib aas aaaska ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ciidamada lagu daadiyay wadooyinka Magaalada ayaa ah kuwa aad u feejigan, oo sugaya amaanka madaxda ka qeyb galeysa munaasabadaasi loogu dabaal dagayo markii Dhidibada loo taagay ciidamada Booliska soomaaliyeed.