Musharaxiinta Puntland oo ka cabsanaya nidaamka olalaha doorashada & culeysyo ay la kulmayaan

Qaarka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa walaac ka muujinayaan habkaay kula dhaqmaan ciidamada amaanka ee Maamulkaasi,xiliga ay soo bandhigayaan waxqabadkooda.

Musharixiintaayaa waxaa ay sheegeen in ay ka xun yihiin laga hor istaago munaasabadaha ay qabsanayaan xiliyada qaar.

Shalayayay aheyd markii mid ka mid musharixiinta Maamulka Puntland la sheegay in ishortaag lagu sameeyay Munaasabad uu ku qabsan lahaa Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

DhawaanSaraakiisha ciidamada Amniga ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ayka digayaan in musharixiinta ay hubka la soo galaan Magaalada Garoowe,islamarkaana ay ilaaliyan Xasiloonida ka jirta deegaanada Puntland.

Ciidamadaamanka ee magaalada Garoowe ayaa heegan sare la geliyay, iyadoona Baaritano ay ku sameynayaan gaadiidka soo gala Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Inka badan 30 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka puntland.

Bilowga Sanadkan ayaa la filayaa in doorasho Maamulka Puntland ay ka dhacdo magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.D