Maxaa saakay loo xiray wadooyinka Muqdiso?

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa saakay ku waabariistay xirnaashaha qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada Muqdisho.

Wadooyinka xiran ayaa lagu arkayaa Ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya,kuwaasi oo si aad ah u foojigan.

Isgoysyadda Taleex, Soobe,Banaadir, Howlwadaag iyosidoo kale Wadooyin kale oo Muhiim ah ayaa Saaka xiran sida ay warbaahinta sheegeen dadka degaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Wadooyinka ku jaray Gawaarida Ciidamada.

Qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka Wadooyinka ayaa Saakay kusoo baraarugay Marka ay shaqooyinkooda usookaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacaya Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayo sanadguurada 75-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galaya Masuuliyiin badanoo ka tirsan Dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahiMaxamed (Farmajo), Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan iyo Saraakiil kakala tirsanaa Hay’adaha ammaanka dalka, waana sababta loo xiray Wadooyinka Muqdisho.C