Madaxweyne Lafta-gareen oo xalay Baydhabo kula yeeshay kulankiisii horeeyay Saraakiisha Ciidamada ammaanka

Madaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed LaftaGareen ayaa xalay Waxaa uu Magaaladda Baydhabo kula kulmay Saraakiisha Amaankaee Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka AMISOM.

Lafta Gareen ayaa si gooni Gooni ah ula kulmay Dhinacyadda, Saraakiisha Ciidanka ee AMISOMayuu la qaatay shir ay uga wada hadleen, xaqiijinta Amniga iyo sidii ayumaareeyeen Howlaha Amaanka intii ay Magaaladdu Kacsaneeyd ka hordoorashadiisii.

Taliyeyaasha Ciidanka Booliiska Faderalka ee Baydhabo jooga kuwa gaarka ah ee Koofur Galbeed iyo Military-ga ayuu sidoo la kulmay Madexweyne Lafta Gareen.

Inkastoo aan Warbaahinta loo soo bandhigin waxa rasmiga ee looga hadlay kulanka oo kadhacay Madaxtooyadda Baydhabo, hadana ilo xog-ogaal ah oo oo aan la hadalnay ayaasheegay in Amniga Magaalada ay ka wada hadleen.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa sidoo kale la sheegay in uu u mahadceliyay Saraakiisha ku mashquuulsaneeyd sugidda Amniga Baydhabo intii ay socotay ololaha Doorashaddaiyo Doorashadii Shalayba.

CabdiCasiis Xasan Maxamed waxaa uu Noqday Madaxweynihii labaad ee koofur Galbeed, wuxuuna guul ka gaaray Doorsho shalay ka dhacday Baydhabo. 101 cod ayuu kahelay codokii Doorashadda ee la dhiibtay.