Ganacsade caan ah oo meydkiisa laga helay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan mid ka mid ah ganacsada Suuqa bakaaraha ay ku dishay Goobtiisa  ganacsi oo uu ku lahaa agagaarka Masaajidka Cowska ee Suuqa-bakaaraha.

Ciidanka Amniga ayaa hada goobta soo gaaray, wali lama qaadin meydka Ninkaasi oo aan ilaa hada la garaneynin sababa ka dambeeyay dilkiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Amaanka Ay goobta soo gaareen, kuwaa oo sameynaya howlgalo lagu soo qab qabtay dhalinyaro looga shakisan yahay iney wax ka ogaayeen dilka ninkaasi la sheegay inuu kamid ahaa ganacsatada Suuqa Bakaaraha.