Booliska Soomaaliya oo maanta u dabaal degaya 75-aad ka soo wareegtay aas-aaskooda

Waxaamaanta magaalada Muqdisho ka dhacaya Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayo sanadguurada 75-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka BooliskaSoomaaliyeed.

Munaasabadaayaa waxaa ka qeyb galaya Masuuliyiin badan oo ka tirsan Dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo), Wasiiro, Xildhibaano,Taliyayaal Ciidan iyo Saraakiil ka kala tirsanaa Hay’adaha ammaanka dalka.

Munaasabada ayaa waxaa Khudbado kala duwan ka jeedin doona Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyiin kale, waxaana dhammaantood la filayaa in ay ka hadlaan dhibaatada uu soo maray Booliska iyo guulaha hadda uu gaaray Booliska Soomaaliyeed.

Intaay munaasabadu socoto ayaa waxaa halkaasi ay Ciidamadu ku soo bandhigi doonaan Gaada ka cayaar iyo dhoolatus, waxaana halkaasi imaan doonoa Ciidamo Boolis ahoo ka qeyb qaadanaya Munaasabadda xuska Maalinta Booliska 20-ka December.

Sidookale waxaa la filayaa magaalooyinka maamul goboleedyada dalka in lagu qabtoxuska maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, maadaama sanad walba xilligan ookale la xuso.