Xaaladda Baydhabo & doorashada madaxweynaha oo la filayo iney maanta dhacdo

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in magaalada gudaheeda lagu arkayo ciidamo isugujira Boolis iyo Nabad sugid kuwaasi oo ammaanka si weyn u adkeynaya.

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa la dhigay Ciidamo gabi ahaana waa la xiray , waxaana sidoo kale xiran Kontorooladda laga soo galo Magaalada Baydhabo, mana jirto cid Magaalada soo galeysa.

Xaafaddaha Qaar ee Magaalada ayaa lagu arkaya Ciidamo Itoobiyaan iyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo si wadajir ah Ammaanka u kusugaya.

Maanta oo ay taariikhda tahay 19-ka December ayaa lagu wadaa iney dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed,waxaana ilaa iyo hadda musharaxiinta la hadal hayo ka mid ah C/casiis Lafta Gareen.