Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Saraakiil Ciidan Boolis

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuurkar Islow Ducaale ayaa tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,  kuwaasi oo tababar ku qaatay Xerada Tababarka ciidanka ee TurkSom.

Saraakiishaan tababarku usoo gabogabeeyey ayaa noqon doono Macalimiinta Tababar siin doona labo boqoloo kun (2,000) oo askari oo ka tirsanCiidanka booliska oo ay tababarayso Dawladda Turkiga.

Waxaa goobjoog ahaa Munaasabadda xiritaanka Tababarka Taliyaha Ciidanka Boolislka Soomaaliyeed, taliye ku-xiggeenka Booliska iyoSaraakiisha xerada TurkSom.