Wasiir Jamaal oo Fariin La Yaab leh u diray Hay’adaha caalamiga ah ee caawiya Soomaaliya

Waxaa maanta si rasmi ah loo daah furay Xafiiska Hay’ada Socdaalka Dunida IOM EeMagaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya.

Xafiiska Hay’ada ayaa waxay aheyd muddo Fog Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya Balse maanta la xarig jaray Xafiiska Muqdisho.

Dawlada Soomaaliya ayaa arin farxad leh ku tilmaamtay inay Xafiiska IOM loo soo wareejiyo Maanta Magaalada muqdisho.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo Munaasabada kusugnaa ayaa fariinu diray Hay’adaha kale Ee Caalamiga ah.

Wasiir Jamaal ayaa wax ka yar Labo Todobaad u qabtay Hay’adaha aan Xafiisyada ka furanMuqdisho hadii aysan soo guurin in ay kala laaban doonaan wixii ka dambeeya 31December oo ah Maalinta udambeysa Sanadka oo 12 cisho keliya inaga xigaan.