Mid ka md ah Musharaxiinta Puntland oo loo diiday inuu la hadlay taageerayaashiisa

Mid ka mid ah Muharaxiinta Puntland Cabdisamad Gallan ayaa loo diiday inuu magaalada Garowe kula hadlo qaar ka mid ah taageerayaashiisa.

bolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta mid ka mid ah Musharixiinta Puntland loo diiday in uu taageerayashiisa kula hadlo Barxada Garoowe.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Garoowe ayaa waxa a soo sheegayaan in Musharax Cabdisamad Gallan laga hor-istaagay in uu khubad Barxada Garoowe ugu jeediyo taageerayaashiisa,iyada oo ay weli socdaan ol olaha musharixiinta.

Inkastoo aan sidhab ah loo shaacin Amarka lagu joojiyay ayaa hadana Wararka aanheleyno ayaa wax ay sheegayaan in uu bixiyay Madaxweynaha Puntland Cabdudweli Maxamed Cali Gaas.

 Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cabdisamad Gallan iyo Madaxweyne Gaas ayaa tiro ka dhowr jeer waxaa soo kala dhex galaykhilaaf xoogan,waxana mar uu soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Bari.