Guddoomiye Yariisow muxuu ka yiri Guusha Lafta-gareen?

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan(Eng.Yarisow) ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen.

Guddoomiye Yariisoow ayaa lafta-gareen Alle uga baryay in uu xilkan culus lagarabgalo,isla markaana shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay inay ka shaqeyaan horumarka Koonfur Galbeed.

Xildhibaano Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Baydhabo waxa ay ku doorteen Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta -gareen,kaasi oo noqonaya Madaxweynaha cusub ee Afarta Sano ee soo socota Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaanu hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koofur GalbeedSoomaaliya Mudane Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftigareen), waxaana EEBBE ugabaryayaa inuu xilkan culus la garabgalo. Shacabka K/Galbeed waa inay midnimadooda ka shaqeeyaan oo horumarka KG laga wada shaqeeyaa iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ay garabkiina taagan yihiin marwalba.

CabdicasiisXasan Maxamed lafta-gareen oo ku soo baxay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaahelay Codad gaaraya ilaa iyo 101 Cod.