Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay iney Afduubeyso Doorashada K/Galbeed

Siyaasi Cismaan Sheekh Muxumed (Qoox) oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa kahadlay doorashada madaxtinimada oo lagu wado in maalinka berri ay ka qabsoonto magaalada Baydhabo ee caasimad goboleedka gobolka Baay.

Wuxuusheegay in doorashadani aan la oran Karin mid caddaalad ah isagoo ku sababeeyayin doorashada laga reebay mid kamid ah lixdii musharrax ee isu soo taagay waa Mukhtaar Rooboow Mansuur.

Dhankakale waxaa uu soo hadal qaaday dibadbaxyadii rabshadaha watay oo dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo.

Siyaasiga ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in dadkii ka dambeeyay khasaaraha ka dhashay dibadbaxyadaasi in lagu la xisaabtamo.

SiyaasiCismaan Qoox ayaa sheegay in dibadbaxyo ay ku diidan yihiin rabashadihii ayBaydhabo martigalisay iyo soo qabashada Mukhtaar Rooboow ay ka dhigi doonaan dalka UK oo ogalaanshiyo ay dowladdaasi ka heystaan.