Doorashada madaxweynaha K/Galbeed oo ka bilaabatay Baydhabo+(SAWIRRO)

Waxaa magaalada Baydhabo ka bilowday doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyadooay howlka ay ku sugan yihiin dhammaan musharaxiinta madaxweynaha u tartamaya.

Ilaa5 Musharax ayaa u taagan u tartamida qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed,kuwaas oo kala ah Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen,Ibraahim Macalin Nuunow,Seyid Axmed Sheeikh Daahir iyo Cabdicaziiz XasanMaxamed Laftagareen.

Waxaana doorashada korjoogta ka ah wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiru,kuwaasi oo eegaya hanaanka ay u dhaceyso doorashada.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceysa la wareegay ciidammada Midowga Afrika gaar ahaan kuwo Itoobiya.