DEG DEG: Wasiirkii Labaad oo is casilay

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa iska casiley xilkii uu hayey ee wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladaha hoose, waxaanauu isku soo sharaxay xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Timacadde ayaa maalmihii lasoo dhaafay Boorar ku dhegsaday magaalada Garowe xilli uu yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana ka dhashay buuq badan, maadaama uusan iscasilin.

Waa wasiirkii labaad ee katirsan xukuumadda Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqa inuu usharaxan yahay jagadda madaxtweyne Ku-xigeenka, waxaa isaguna si lamidashaaciyey Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Axmed Cilmi Cismaan Karaashwalow uusan isagu weli shaacin inuu iska casiley xilkii wasiirnimo ee uu hayey.