Cali Maxamed Geedi oo weerar Afka ah ku qaaday Xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweyne Farmaajo

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa si kulul u dhaliilay dadka mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in si loo helo dowladnimo dhibfarabadan iyo tuugmo loosoo maray hayeeshee hadda kadib aan la geli doonin tuugmo oo xoog lagu keeni doono”

“Waxaan maalmahan maqlaayay kacdoon halasameeyo,jidadka hala xiro,Xaafadaha qaar hala qabsado,dadka waxaas ku hadaaqaya waxaa la rabaa inay ka waan toobaan hadii kale dowlad iyo Shacab laguma aadeeGuriga ayaa loogu tegayaa ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Waxa uu soo hadal qaaday xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya,waxana uu sheegay in lagu yiri Buundooyinka Afgooye iyo Balcad hasoo dhaafin ee nala xaajoo kuwii xilligaas dhahayna ay ahaayeen Soomaali sida uu sheegay.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee SoomaaliyaCali Maxamed Geedi waxa uu ka sheegay Kulan looga soo horjeeday Mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo ay ka qeyb galeen Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho laguqabtay.