Cabdiraxmaan C/shakuur oo dacwad ka dhan ah DF u gudbinaya FBI-da Mareynkanka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan uga faa’iideystay jawaab uu ka bixiyey qoraal ay FBI-da soo dhigaty barteeda twitter-ka, 10-kii bishan December.

Qoraalka FBI-da ayaa u dhignaa sidan: FBI-da waxay raadineysaa qof kasta oo ku nool Mareykanka oo wax ka og xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo dalka dibeddiisa kadhacay. Haddii aad hayso wax akhbaar ah oo ku saabsan dad gaystay xasuuq,dambiyo dagaal iyo ama dil-wadareed, fadlan noo soo gudbi adiga oo la xiriiraya xafiiska FBI-da ama safaarad ama qunsuliyad Mareykan ah.

Markaaskadib ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu dib qoraalkaas usoo dhigaybartiisa twitter, isaga oo raaciyey codsi u dhignaa sidan:

Aaa

Kuwa jooga Mareykanka, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga Wadajir, fadlan u dhaqaaqa arrintan oo ka warbixiya weerarkii 17-ka December.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma sheegin cid uu doonayo in sigaar ah warbixintooda loogu gudbiyo FBI-da, hase yeeshee xubno badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa haysta dhalashada Mareykanka, waxaana ka mid ah madaxweyne Farmaajo.