Wasiir Xoosha oo qaaday tallaabo kale oo uu ku weyn karo Xilkiisa

Wararaan heleyno ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya MudaneXasan Cali Kheyre uu ka Carooday Sawir laga soo qaaday Wasiir ka tirsan Xukuumadiisa oo Baraha Bulshada saameyn ku yeeshay.

Kheyreayaa u yeeray Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil oo su’aalo uu ka weydiinayo sababta ku qasabtay inuu la kulmo CabdiKariin Sheekh Qalbi Dhagax oo Raali galin uu siiyo isagoo Dowlada ka tirsan.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa ilo xafiiskiisa kudhow waxay sheegayaan inuusan ladhacsaneyn khaladkii laga galay Qalbi dhagax isla markaana uu rajo ka qabo inDowlada Federaalka ay mar un Raali ka bixiso khaladkaasi balse wuxuu diidanyahay maadaama Qalbi Dhagax uu Madaxtooyada Soomaaliya ku marti qaaday Madaxweynaha Soomaaliya uuna diiday inuu la kulmo Madaxda Dalka inay Wasiiro sicaadi ah ula kulmaan maadaama ay Dowlada matalaan.

XasanCali Kheyre ayaa dhowr jeer Wasiiradda Xukuumadiisa kaga digay Talaabooyinka ay qaadaan, wuxuuna ku amray inay latashiyo kala sameeyaan Ra’iisul wasaareKuxigeenka Dalka balse Xoosh Jabriil ayaa marar badan sidan oo kale kaga careysiiyay Madaxda Dalka iyo mar uu u gafay Baarlamaanka uu xilkiisa ku weyn rabay.

Sikastaba ha ahaatee Wasiir Xoosh iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inay arrintan ka wada hadlaan, iyadoo Umadda Soomaaliyeed ay si weyn u soodhaweysay go’aanka uu qaatay Xoosh.