Maxay tahay Ujeedka Itoobiya Qunsul cusub ugu soo magacowday Somaliland?

WasaaraddaArrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa xilka ka qaaday Qunsulkii dowladda Itoobiya u joogay Somaliland, waxaana ay soo Magacowday Qunsul cusub oo loogutala galay in uu ka shaqeeyo xiriirka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Qunsulkacusub ee Itoobiya u joogi doona Hargeysa waxaa lagu magacaabaa Shamsudiin Axmed Rooble,waa Soomaali Itoobiyaan, Shamsudiin horay waxaa uu noqday Wasiir kuxigeen, Xildhibaan iyo Safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan dalalka Kenya iyoJabuuti.

Waa nin si weyn looga yaqaano dalka Itoobiya, waana rugcaaddaa dhanka Duplomaasiyadda, waxaana la aaminsan yahay in uu wax badan ka badali doono Hanaanka xiriirka Somaliland iyo dalka Itoobiya.

Dhawaanayay aheyd Markii dalka Itoobiya looga yeeray Qunsulkii Itoobiya ee Magaalada Hargeysa, waxaana dad badan ay sheegeen intaasi ay hoos u dhigtay Siyaasiyadda Somaliland oo loo aaminay in Itoobiya ay ilaalinayso Midnimadda Soomaaliya.