Maxaad ka Ogtahay Qodobada ugu muhiimsan ee Guddoomiye Mursal iyo RW kheyre ka wada hadleen?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa xalay Magaalada Muqdisho gaar ahaanXarunta Wasaaradda Tacliinta Sare kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii wada shaqeynay u dhexmari leheyd Xukuumadda Soomaaliya iyo waliba Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhaxeeyay Khilaaf.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xildhibaano ka midah Golaha Shacabka ,kuwaasoo wadda dhex dhexaadinta Golaha Shacabka iyoMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Mooshin laga keenay.

“Waxa aan caawa kulan la qaatay Guddoomiyaha GolahaShacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo aan ka wada hadalnay xoojinta wada shaqeynta xukuumadda iyo Golaha Shacabka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare XasanCali Kheyre.