Khilaafka u dhaxeeyo Yuusuf Dabageed iyo Mr Taakooy oo sii xoogeystay

Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Maamulka Gobolka Hiiraan,waxaana weli jirin cid ku guuleysato inay xal ka gaarto khilaafkaas.

GuddoomiyahaGobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) iyo ku xigeenkiisa dhinaca amniga Cabdiraxiin Muxumed Taakoy ayuu khilaafkaas u dhaxeeyaa.

Guddoomiyeku xigeenka dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakoy ayaa sheegay in weli khilaafkaas uu taagan yahay,isla markaana aysan jirin cid xal ka gaartay.

Waxyaabahaay isku-khilaafeen ayuu sheegay inay la xiriirto nidaamka dowladnimo,hayeeshee warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka bilaawday Arrimo dhinaca Maaliyadda ah.

Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle ayuu sheegay in uu la xiriiray,islamarkaana uu u gudbiyay khilaafkaas,kana sugayaan jawaab.