Ciidamada Dowladda oo Qarax lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Hoose

Qaraxxoogan ayaa waxaa uu ka dhacay tuulo u dhow deegaanka Buulo Mareer ee Gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana lala eegtay fariisin ay ku sugnaayeen  ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Tuulada Golweyn ayaa la sheegayaa inuu qaraxa ka dhacay, waxaana la tilmaamay in khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha dhabta.

DadGoobjoogayaal ayaa sheegay in qarax ay ka maqleen tuulada Golweyn ee Hoostaga deegaanka Buulo Mareer ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Ma jiraan weli Wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeelaha Hoose.