C/wali Gaas oo mar kale isku soo taagay xilka madaxtinimo ee Puntland

Madaxweynahawaqtiga xilheyntiisa sii dhamaanayo ee Dowlad goboleedka Puntland CabduweliMaxamed Cali Gaas ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tagaan qabashada xilka Madaxweynaha Puntland.

Munaasabad loogu qabtay Magalada Garoowe ayuu Maanta ku shaaciyay in markale uu yahay musharax Madaxweynaha Puntland,waxana uu sidoo kale soo bandhigay waxyaabaha uqabsoomay intii uu xilka haayay.

C/Weli Gaas ayaa Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland waxa uu qabtay 8 bishii Koowaad ee Sanadkii 2014,waxa uuna Xilkaasi hayaa Mudo 5 sano ah.

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa ku biiraya In ka badan 30 Musharax oo u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland, doorashada la filayo inay dhacdo 8 Bisha 1aad ee Sanadka 2019.