Axmed Madoobe oo taageera ka raadinaya Beeshiisa & shirar qarsoodi ah oo uu ku leeyahay Gaarisa

w

MadaxweynahaJubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan qarsoodi ah dalka Kenya kula qaatay Siyaasiyiinta ku heybta ah ee ku jira dowladda Kenya oo ay ka mid yihiin Xildhibaano, Gudoomiyeyaal gobol iyo Waxgarad.

Kulankaanoo ka dhacay Magaalada Gaarisa maalintii Axad aheyd ayaa siyaasiyiintadegaankaasi ay taageero u muujiyeen, waxaana lagu waddaa in ay dowladda Kenyaay cadaadis ku saaran in uu sii heysto Kuriga Madaxweynimada maamulka Jubbaland.

Warbaahintadalka Kenya ayaa sheegtay in Axmed Madoobe loo ballaanqaaday taageero ku aadan doorashadda lagu waddo in ay Jubbaland ka dhacdo Bilaha Fooda nagu soo haaya.

Waxaa sidoo kale kulanka kasoo qeyb galay waxgarad si weyn looga yaqaano gobolka Waqooyi Bari,kuwaasoo si weyn looga xushmeeyo dalka Kenya.

MadaxweynahaJubbaland waxaa saaran Caddaadis xooggan oo kaga imaanaya dowladda dhexe eeSoomaaliya, waxaana jira Khilaaf ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.