AKHRISO: Sababta DF dalka uga ceyrisay shirkadda Cilmi baarista ee Sahan

DowladdaSoomaaliya ayaa ku dhawaaqday in guud ahaan Soomaaliya laga mamnuucay Hay’addlagu Magacaabo Sahan ,taasoo ka shaqeysa Cilmi baarista,islamarkaana  uu Madax ka yahay  Matt Bryden oo u dhashay dalka Canada, kaasoo horay isku duwe uga soo noqday Kooxda Monitoring Group.

Waxyaabahaugu weyn ee dalka looga mamuucay ayaa waxaa qeyb ka ah in ay Soomaaliya kagudbin jirtay xoggo aan sax aheyn,taasoo in badan ay baaris ku waday Wasaaradda Amniga ee dowladda Soomaaliya.

Qoraalka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay  in hey’adda Sahan Research laga joojiyay,lagana mamnuucay dhammaan wixii shaqo ay ka waday dalka, sababo la xiriira amniga qaranka, xasilloonida iyo Midnimada dalka.

MattBryden oo ah nin aad uga faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa dalka ka ceyriyay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif sanadkii 2012ka dib markii uu soo saaray  warbixinmuran badan dhalisay oo Madaxdii hore ee dalka lagu eedeeyay inay musuq maasuqku lug leeyihiin, hantiddana ay dhigtaan Bangiyo gaar ah.