XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Odayaal Digil iyo Mirifle ah ka diiday in la sii daayo Mukhtaar Roobow + SABABTA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in xabsiga Nabad sugida lagu sii haayo Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur inta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Illo xog ogaal ah oo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Odayaal Digir Mirifle ka socday xalay maadaxweyne Farmaajo ay kula kulmeen Madaxtooyada Soomaaliya,iyagoo kala hadlay arrinta Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Odayaasha oo ka codsaday madaxweyne Farmaajo inuu sii daayo Abuu Mansuur si doorashada dhow uga qeyb galo ayaa dalabkooda ku gacan seeray madaxweynaha,wuxuuna ku wargeliyay in baaritaan uu ku socdo Wadaadka inta laga soo cadeynayo eedaha loo soo jeediyayna xabsiga lagu sii heyn doono.

Wadaadka oo dhowaan shaaciyay inuu sanado ka hor ka baxay Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay inuu hub iyo maleeshiyaad isaga daacad u ah uu soo geliyay magaalada Baydhabo oo ay ka taagneyd xaamasadda ololaha doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxayna Ciidamada ammaanka Jimcihii ka soo qabteen magaalada Baydhabo.

Rabshado looga soo horjeedo xariga Mukhtaar Roobow ayaa gil gilay magaalada Baydhabo,kuwaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana hadda doorashada ay u muuqataa mid u afduuban Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in la sii daayo Musharax Mukhtaar Roobow lagu celiyay magaaladii laga soo qabtay ee Baydhabo.