Maxaa ka jira inuu is casilay Wasiirka Difaaca Xukuumadda Kheyre?

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa beeniyay inuu is casilay ka dib markii saacadihii la soo dhaafay baraha Bulshada la isla dhexmarayay in Wasiirka uu xilka iska casilay.

Xildhibaan Amar dambe,Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka dhalinyada iyo Ciyaaraha ayaa si wadajir u xaqiijiyay inuusan Wasiir Amar dambe is casilin isna casili doonin.

“ Isma casilin,ismana casili dooni,dacaayadda meelaha la wadana waa xaaraan,qof go’aan uusan qaadan laga been sheegayna waa waxaan dhihi karo beeni raad maleh,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo Live Facebook soo galay.

Hadalka Wasiir Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa ku soo aadaya xilli gelinkii danbe ee maanta uu ku dhawaaqay inuu xilkii wasiirnimo uu ka hayay Xukuumadda Kheyre iska casilay Wasiirkii howlaha Guud iyo dib u dhiska Xildhibaan Cabdi fitaax Ibraahim Geeseey,isagoona u sababeeyay fara gelinta ay Dowladda Federaalka ku heyso doorashada Maamulka Koonfur Galbeed.

 Waxaana markii warkaan uu soo shaac baxay xigay oo baraha Bulshada la isla dhex marayay inuu isna is casilay Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya inkastoo markii danbe uu beeniyay.