Mareynkanka oo duqeyn ku dilay 8-Sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay Nawaaxiga tuulada Gandarshe oo 48-KM dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan Magaaladda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika Afrikom ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 8-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Shabaab,islamarkaana aan khasaare la gaarsiinin dadka Shacabka ah.

“Duqaynta oo dhacday 15-ka December Jimcadii waxaa la fuliyay iyadda oo wadashayn dhow lala yeeshay dowlada Federaalka Soomaaliya si loo wiiqo xorrriyada dhaqdhaqaaq iyo cadaadista Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2018 ka fuliyay Soomaaliya in ka badan 38 weerar oo dhinaca cirka ah, kuwaasoo AFRICOM qoraallo ay soo saartey ku sheegtay in laagu dilay xubno badan oo kamid ahaa Al-Shabaab.