FIIRSO:-DF Somalia Oo Albaabada Iskugu Dhufutay Xabsiga Godka Jilicow una Badashay Xarun?

0
Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta gabi ahaanba ku dhawaaqday in la xiray Xabsiga Godka Jilacow, kadib cabasho uga timid Shacabka & Hay’addaha Xuquuqul Insaanka, islamarkaana hadda kadib aysan jiri doonin wax dad ah lagu xiri doono.
Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa warbaahinta u sheegay in xabsiga loo badelay Acadeemiyad loogu tala galay in dadka lagu tababaro.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado Xaaladdaha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.
Xabsiga Jilicow ayaa loogu tala galay in lagu xiro Shaqsiyaadka kala duwan ee lagu eedeeyo in ay ka tirsan yihiin waxa reer Galbeedku ugu yeeraan Argagaixiso.

MAHAAN KA FIIRSO

You might also like More from author

Leave A Reply