Agaasimihii guud ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta xabsiga laga sii daayay, kaas oo loo heystay eedeymo la xariira Musuq-maasuq.
Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii deysay mas’uulkaasi.
Ma cadda illaa iyo hadda sababaha soo dadajiyay si deynta Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka oo muddo u xirnaa lunsashada Xoolo dadweyne.
Xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa horay mas’uuliyiin badan ugu u soo xirtay eedeymo ka dhan ah Musuq, kuwaas oo qaarkood la soo taagay Maxkamad, kuwa kalena weli ay yihiin eedeysanayaal.