XOG: Maxay tahay shirdiga Madaxweyne Farmaajo ku xiray kulanka Guddoomiye Mursal?

Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare iyo siyaasiyiin ayaa u istaagay xalinta khilaafka ka dhashay mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo,kaasi oo hadda meel sare maraya.

Masuuliyiintan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Madaxtooyada Dalka, iyagoo ka codsaday inuu aqbalo kulan ay isku soo hor fariisinayaan isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka si loo wada hadlo.

Xubnahan ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay u badan tahay inuusan aqbali doonin ilaa iyo xal laga gaarayo inuu ku laabto Villa Somalia.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo nala wadaagay xogtan ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la shardi ku xiray lakulanka Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan taasoo ah inuu kusoo laabto Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka bilowday Magaalada Muqdisho.

Dadaallada ayaa waxa wadda xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare iyo sidoo kale qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana ay iskudayayaan inay Guddoomiyaha kusoo celiyaan Halkii uu ka degenaa Madaxtooyada siuu howlahiisa usii wato.