SAWIRRO: RW Kheyre oo Madasha Dooxa ka qeyb galay oo fariin la Yaab leh u diray Beesha caalamka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa dalka Qatar uga qayb galay madasha sannadlaha ee Dooxa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa madasha ka sheegay in ay muhiim tahay in adduunyadu garaawsato in Soomaaliya ay kasoo gudubtay dhibaatooyinkii badnaa xilligaanna ay mudantahay in loola dhaqmo dal u diyaarsan in uu ka qayb gaato horumarinta caalamka.

Ajandayaasha ugu waawayn ee madasha sannadkaan 2018 ayaa kala ahaa amaannka, nabadda iyo dhex-dhexaadinta, horumarinta dhaqaalaha iyo isbedellada, waxa ayna sannadkaan ahayd sannadkii labaad ee mudane Xasan Cali Khayre uu ka qayb galo.

331a7757 681x454

Amm 2916 681x454