DHAGEYSO: Shacabka K/Galbeed oo Al-Shabaab ka doortay Dowladda dhexe ka dib xarigii Mukhtaar Roobow

Odayaasha Dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay rabshadaha wali ka taagan Magaalada Baydhabo iyo kaalinta ay ku leedahay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya

Malaaq Shiino oo kamid ah Odoyaasha dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ay sii hurinayso Colaadda Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, kadib xarigii Shiikh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur).

Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka Koonfur Galbeed Somaaliya dhibaatadda ugu badan ay haatan kala kulmaan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya marka loo eego Xarakadda Al-shabaab.

Malaaq Shiino ayaa sheegay in lagu gardarooday Mukhtaar Roobow,islamarkaana Dowladii shalay soo dhoweysay hadana fasaxday maanta ay leedahay wuxuu hub iyo maleeshiyaad hubeysan soo geliyay magaalada Baydhabo.

Wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah Dowladda dhexe u soo deysay Mukhtaar Roobow ama ay nafta agdhigi doonaan.