DEG DEG: Wariyeyaasha oo looga yeeray Hoogya uu Muqdisho ka degan yahay Guddoomiye Mursal

Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa looga yeeray Hotelka uu magaalada Muqdisho ka degan yahay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Wariyaasha ayaa ugu horeyn lagu balamiyay Hotel Afrikoo ku yaala Agagaarka KM4, waxaana kadib loo qaaday Hotelka Shabeell oo uu degen yahay guddoomiyaha baarlamaanka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiye Mursal la filayo inuu markii ugu horeysay uu kasoo muuqday Warbaahinta kadib markii uu ka guuray Villa Uganda oo ku dhex taala madaxtooyada.

Waxaa la filayaa inuu warbaahinta kala hadlay xaaladdaMooshinka, xeritaanka Mukhtaar Roobow iyo banaanbaxyada rabshadaha wata ee kataagan magaalada Baydhabo maalintii seddexaad.

Si aad ah ayaa loo dhowrayaa hadalka Guddoomiye Mursal iyo waxa uu sida dhabta ah kaga leeyahay arrimaha Xiisada ka kala taagan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.