DEG DEG: Banaanbax & rasaas ka bilaabatay magaalada Baydhabo

Inkastoo aroortii hore saakay oo sabti xaaladda magaalada Baydhabo ay deganeyd hadana barqadanimadii maanta ayaa la soo sheegayaa iney dib uga bilowdeen banaanbaxyo qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Sida uu soo sheegayo Wariye ku sugan magaalada Baydhabo, waxaa bilaawday mowjado banaanbaxyo ah oo xoogan, waxaana xusid mudan in saakay aroortii uu Baydhabo waaga ugu baryay jawi ka degan midkii maalmahaan balse banaanbaxayadaani ay barqanimadii bilaawdeyn.

Banaanbaxayaashaani ayaa ka careysan soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow, oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya sheegtay in ay iyadu soo xiratay.

Ilaamaa markii lasoo xiray Rooboow oo iminka Muqdisho Maxbuus ku ah ayaa waxaa Baydhabo gilgilay banaanbaxayaal rabshado wato, waxaana ku geeriyooday dad badan oo uu xildhibaan Koonfur Galbeed kamid ahaa.