Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha oo maanta shir ku yeeshay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho ayaa bayaan ay soo saareen ku shaaciyay in Mooshinkii laga keenay Madaxweyna uusan sharci aheyn.
Xildhibaanada ayaa tiradooda lagu sheegay illaa 135 Xildhibaan,kuwaasi oo kullankooda ka soo saareen bayaan ka kooban 10 qodob.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin xil ka qaadis ah u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,kaasi oo muran badan dhaliyay.