Xildhibaan lagu toogtay Baydhabo iyo rabshadaha ka dhashay xariga Roobow oo sii xoogeystay

Wararka ka imaanayo Magaalada Baydhabo ee Caasimadda Kumeel gaarka ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in rabshaddaha ka socda Baydhabo uu saakay ku dhintay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Cabdishakuur Buule oo ka mid ahaa  Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa toogasho lagu dilay intii uu socday Banaanbaxyadda ka dhanka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dadka Banaanbaxyadda wadda ayaa dagaallamaya, waxaana heegan ku jira ciidanka Booliska ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Sidda ay inoo xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaaanka Koonfur Galbeed xildhibaanka ayaa la toogtay xilli uu maraayay Agagaarka Xarunta Bankiga ee Magaalada Baydhabo, waxaana toogtay Ciidan ,halkaasi ku sugnaa.