Senatarada Mareykanka oo Cambaareeyay Sacuudiga go’aamo cusubna soo saaray

Xildhibaanada aqalka senate-ka ayaa u codeeyay in milatariga Mareykanka uu joojiyo taageerada uu sacuudiga ka siiyo dagaalka Yemen.

Waxa ay sidoo kale dhaxal sugaha Sacuudiga ku eedeeyeen in uu ka dambeeyay dilkii weriye Jamal Khashoggi.

Qaar ka tirsan xisbiga madaxweyne Trump ee Republican-ka ayaa raacay xisbiga Dimuqraadiga si ay Sacuudiga oo muddo dheer xulafo la ahaa Mareykanka ugu eedeeyaan dilkii weriye Jamal Khashoggi.

Mr Trump ayaa wacad ku maray in uu adeegsan doono codka veto, waa ayna adag tahay in golaha baarlamaanka ay iyagana u codeeyaan.

Senator Bernie Sanders oo taageeray tallaabadan, ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid taariikhi ah.

“Maanta waxa aan dawladda digtaatooriga ah ee Sacuudi Carabiya u sheegaynaa in aanu qeyb ka noqon doonin weerarda ay qaadaan milatarigooda” ayuu yiri.