XOG: Ilaalo uu watay Lataliyaha Guddoomiye Mursal oo Xabsiga loo taxaabay & Afduub uu ka badbaaday…

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan qaabka uu guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan uga guuray xarunta Villa Uganda uu ka deganaa Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in Guddoomiyaha markii uu ka baday cadaadiska uga imaanayay xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha afar maalin ka dib uu ka guuray gurigii iyo xafiiska uu ku shaqeynayay oo ku yaalay madaxtooyada Soomaaliya.

War ay heshay Shabakada Shaaciye.com ayaa sheegaya in guddoomiyaha dhammaan laga reebay ilaaladii u watay ee ka diiwaan gashnaa ciidamada 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya,waxaana sidoo kale laga reebay ciidamo ilaalo uu siiyay C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo dhowaan uu lataliyihiisa sare uu u magacaabay,kuwaasi oo xabsiga loo taxaabay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa amar ku bixiyay in la xiro tobaneeyo Ciidamo ah uu watay C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo horay u ahaa Taliye ku-xigeenkii Hay’adda NISA ka dib markii ay madaxtooyada ka galbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Guddoomiyaha ayaa hadda wuxuu degan yahay Hotel Shabeel oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,isagoo aan la socon wax Ciidamo AMISOM ah,wuxuuna halkaasi ka wadaa qeyb ka mid ah shaqada Baarlamaanka.

Guddoomiye Mursal ayaa ku adkeysanaya sax ahaanshaha mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo,wuxuuna shalay shaaciyay in la marsiinayo sharciga iyo habraaca Baarlamaanka.