Wasiir Goodax Barre” Guddomiye Mursal wuxuu dabakacay Mucaaradka Xanaaqsan”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha shacabka uu raacay xildhibaanno mucaarid ah kana guuray Gurigiisa oo ku yaalla Madaxtooyada dalka.

Wasiir Goodax ayaa sheegay Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan uu degganaa Guriga ugu sharafta badan dalka ee loogu talagalay Guddoomiyaha Golaha shacabka laakiin ay Madaxtooyada ka guuriyeen sida uu yiri XIldhibaanno mucaarid ah.

Magaalada Muqdisho waxaa wali ka taagan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya,kaas oo inta uusan gaarin Fadhiga Golaha shacabka ay isku khilaafeen Guddoonka Golaha shacabka.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal oo mooshinka qabtay ayaa waxaa ka horyimid labadiisa ku xigeen oo sheegay in mooshinkaasi been abuur yahay oo uu buray.

Shalay ayey ahayd markii Guddoomiye Mursal uu ka guuray Madaxtooyada isaga oo degay DHisme ku yaalla Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.