Faah faahin: Yaa shirqoolay Mukhtaar Roobow & Maxaase lagu heystaa?

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo aan wali la xaqiijiyeen Cida ay ka tirsan yihiin in ay xireen Roobow oo horay Shabaab uga tirsanaan jiray.

Ka hor inta aan la xirin Mukhtaar Roobow, Musharixiinta ayaa looga yeeray Madaxtooyada Koonfur Galbeed, si jadwalka Doorashada loo siiyo ka dibna halkaas ayaa laga xiray sheekh Muqtaar.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay in Magaalada ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xariga Musharax Rooboow oo maalmihii lasoo dhaafay Olole ka waday magaalada Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Rooboow uusan ka qeyb galinkarin doorashadda,laakiin waa uu ka dhaga adeegay ,taasoo ugu dambeyntii sababtay in maanta la xiro.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay ka dambeyso dhibaatada ka taagan Magaalada Baydhabo, waxaana ka mid ah Senetaro Xuseen Sheekh Maxamuud.

“Halkii Qof ee Baydhabo ku dhaawacma Farmaajo ayaa loo haystaa waana lagu xisaabtami doonaa” siddaasi waxaa yiri Senetarka.