DEG DEG: Ciidamo Itoobiyan oo kaxeystay Mukhtaar Roobow & Xaalad kacsanaan oo ka jirta Baydhabo

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyan oo ku sugan magaaladaasi ay kaxeysteen Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Mid ka mid ah Wariyeyaasha ku sugan Baydhabo ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamo Itoobiyan ah oo doonayay iney kaxeystaan Abuu Mansuur iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ay rasaas is weydaarsadeen ka hor inta aysan wadan Wadaadka.

Lama oga halka ay la aadeen iyo waxa uu salka ku haayo qabashada,waxaana maalmihii u danbeeyay soo baxayay warar sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya Sheikh Mukhtaar Roobow cadaadis ku saareysay inuu ka haro doorashada,balse uu dalabkaasi ka horyimid.

Wixii war ah ee ku soo kordha la soco..