XOG: Guddoomiye Mursal oo dacwad ka dhan ah Madaxweyne FARMAAJO u gudbiyay Cabdi Xaashi

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in kullan arrimo xasaasi ah looga hadlay uu dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Tan iyo markii uu qabtay Guddoomiyaha Golaha shacabka mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu la kulmayay hanjabaadyo iyo xayiraad dhanka dhaq dhaqaaqa ah.

Warar ku dhow dhow labada dhinac ayaa xaqiijinaya in Guddoomiye Mursal uu u cabasho u gudbiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare oo wada dadaal lagu xalinayo xiisadda taagan.

Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi in si xun loola dhaqmay, isagoo si gaar ah Madaxweynaha iyo Guddoomiye kuxigeenada ugu eedeeyay inay ula dhaqmeen qaab aan wanaagsaneyn oo hareermarsan maamuuskii uu lahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo diiday inuu qaabilo dadka u imaanaya iyo Xildhibaanadaba, lana is hor-taagay howlwadeenadiisa inay u yimaadaan.

Wali waxaa taagan xiisada mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo,waxaana magaalada Muqdisho ka socda shirar gaar gaar ah oo iska soo horjeeda.