XOG: Aqalka sare ma ku guuleysan karaa isku soo dhoweeynta MD Farmaajo & Guddoomiye Mursal?

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa bilaabay dadaallo xoogan oo lagu xalinayo khilaafka siysaasadeed ee soo kala dhexgalay madaxda Qaranka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo kala duwan la qaatay guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka.

Kulamadan ayaa diirada lagu saaray, sidii xal dhab ah looga gaari lahaa khilaafkaasi.

Sidoo kale Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono xaaladda dalka, gaar ahaan xiisada siyaasadeed ee ku soo korortay dalka.

Xaaladda cakiran ee Golah Shacabka ayaa ka dhalatay, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Golahaasi ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi  Farmaajo.