Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Doha ee dalka Qadar

Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Doga ee dalka Qadar, halkaasoo uu uga qeyb galayo Madasha Doha Forum oo sanadkiiba mar la qabto.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka mid ah madaxda lagu casuumay shirka Doha Forum oo uu sanadkii hore ka qeyb galay.

Shirka ayaa waxaa furi doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Sheikh Mohamed Bin Abdurahman Al-Thani.

Waxaa madaxda ka qeyb galeysa ka mid ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo madax kale.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka horumaradii ay sameysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Framaajo.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Qatar ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu dalku galay xiisad siyaasadeed oo aan la fileyn, kaddib mooshin laga keenay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal.

Qatar ayaa lagu tilmaamaa inay si weyn u taageerto dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa horay u jiray dhaqaale ay ugu deeqday iyo balanqaadyo mashaariic horumarineed oo ay ka fulineyso Soomaaliya.