DHAGEYSO: RW ku-xigeenka dalka oo Qarxiyay sirta ka danbeysa mooshinka & ujeedka laga leeyahay

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Abuukaato Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa waxa uu ka hadlay Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay inay tahay mid aan wax buuran laheyn mooshinada la keeno sidaa awgeedna aysan dadka dhibaato u qaadanin.

Waxa uu R/wasaare kuxigeenka sheegay inay Madaxda Dawlada isku khilaafaan keliya jago la isku qabto si maldahana usheegay in arintaas Dastuurka lagu kala bixi doono.

Waxa uu Amaanay Xukuumada Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo Hogaamintiisa,islamarkaana sheegay in guulo muhiim ah la gaaray wixii ka dambeeyey 8 Febraayo Ee dawladaan la soo doortay Madaxweyne Farmaajo.

Mooshinka ayaa hadda umuuqda mid kusii baahaya Xubnaha Dawlada xilalka sare ka haya,taas oo la rumeysan yahay in xaniinyo qabasho siyaasadeed ay socoto.