AKHRISO: Guddoomiye Mursal oo saddex cisho ka dib war ka soo saaray Mooshinka madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa saddex maalin ka dib markii uu qabtay mooshin laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo soo saaray war ku saabsan mooshinkaasi.

Guddoomiye Mursal ayaa soo saaray wareegto uu ku cadeynayo in uu qabtay 9kii bishaan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya uuna waafaqsanyahay Qodobka 92aad, Faqradiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya lana horgayn doono Golaha Shacabka.

Qabashada Mooshinkan ayaa culeysyo badan ka soo food saartay Guddoomiyaha,taasi oo ku qasabtay inuu ka guuro madaxtooyada Soomaaliya.

48275621 2504619062887334 8095552129306984448 N
48275621 2504619062887334 8095552129306984448 N