XOG: MD Farmaajo & RW Kheyre oo Xildhibaanada qaar ee mooshinka wada Hal arrin ku qanciyay

Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre ay ku howlan yihiin shirar xal loogu raadinaayo Mooshinka cusub.

Sarkaal ka tirsan Villa Somalia ayaa inoo sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanadii waday Mooshinka ay ka laabteen kadib kulamo aan loo kala kicin xalay ay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xildhibaanada uu la kulmay ka qanciyay Tabashooyinka ay qabaan waxayna balanqaadeen inay ka laabteen Mooshinka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Xildhibaanada ka codsaday in si deg deg ah Shacabka loogu wargeliyo in la dajiyay xiisada siyaasadeed ee isku bedeshay Mooshinka, kadib kulan ka dhacay Villa Somalia.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa si wada jira Xildhibaanada ugu ballanqaaday isbedel lagu sameeyo habka ay u wada shaqeeyaan Baarlamaanka iyo Xukuumada.­