WAR CUSUB: Guddoomiye Mursal oo taageero looga muujiyay Baydhabo 11th December 2018 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Viber Shacab badan oo isugu baxay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa taageero u muujiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka,iyagoona muujiyay siday ugu faraxsan yihiin mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Shacabka oo watay Boorar halku dhigyo ay ku ammaanayaan Guddoomiye Mursal watay ayaa sheegay iney ku taageersan yihiin guddoomiyaha Golaha shacabka go’aanka uu ka qaatay tallaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso iney doorashada kaga reebto hogaamiyaha shacbiga ee Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa qodobo dhowr ah oo uu kaga horyimid Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka ku muteystay inuu la kulmo culeyso siyaasadeed oo kaga imaanayo Xafiiska madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya. Ugu danbeyntii,shacabka Baydhabo isugu baxay ayaa ku baaqay inuu guuleyto mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya inkastoo hadda mooshinkaasi jabay.