Shir Xasaasi ah oo hadda Muqdisho ku dhex ku maraya Cabdi Xaashi C/llaahi & Guddomiye Mursal

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi uu u socdo kulan deg deg ah.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku sugan Hooyga Guddoomiyaha Golaha Shacabka MudaneĀ  Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,waxaana sidoo kale ku wehliya qaar ka mid ah Xilddhibaanada labada Aqal ee Baarlamanaka Soomaaliya.

Kullanka ayaa la sheegayaa in looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka.

Warbaahinta ayaa kulankaas banaanka ka joogta,waxaana la filayaa in Goordhow kulanka waxyaabaha ka soo baxaya faah faahin laga bixiyo.

Kulankaan ayaa waxaa ka horeeyay in Xoghayaha Golaha Shacbaka Cabdi Kariin Buux uu sheegay qoraal uu soo saaray in uu buray mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo.