Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxaa uu ka hadlay mooshinka ay wadaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu ku baaqay in la qaboojiyo Xiisada siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee dowlada FederaalkaSoomaaliya.
Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan sidii ay u xalin lahaayeen khilaafka, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed loo turi lahaa, isagoona ku baaqay in dib loo furo kulanka Golaha shacabka si dood loogu kala baxo Mooshinka.
Xildhibaan Daahirayaa waxaa uu xusay in isaga uu dhex dhexaad ka yahay mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.